read more »">

Calendar

700-Boqol oo ruux oo lagu soo qabtey holwgal ka dhacay Muqdisho.

Iyadoo saaka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay ee Gobalka Banaadir holwgalo hor leh ay ka bilaabeen ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaana Kuwa Booliiska iyo Nabad sugida ayaa waxaa kasoo baxaya fafaahin dheerad ah oo ku aadan Holwgalada saaka dib u bilowdey.

Holwgalada oo maanta ka socdey labada degmo ee Mataanaha ah ayaa waxaa la soo sheegayaa in lagu soo qabtey dad badan oo dhalinyaro u badan kuwaasi oo laga soo qabtey qeybaha Xaafadaha Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Magaalada muqdisho.
Taliyaha Hay’ada nabad Sugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadley warbaahinta magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey in labada degmo ee holwgalka ka sameeyeen ay kusoo qabteen ilaa iyo dhowr ruux kuwaasi oo baaris lagu sameynayo.
Mar uu ka hadlayay tiradada ciidamada Dowlada Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen ayaa waxaa uu sheegay iney gaarayaan ilaa 700-ruux kuwaasi oo dhalinyaro u badan,islamarkaana loo taxaabey Xabsiyada kuyaala Magaalada muqdisho gaar ahaana midka hay’ada nabad sugida.
Howlgalada oo ka socda magaalada Muqdisho oo ah kuwa amaan lagu xaqiijinayo ayaa waxaa lagu raadinaya dadka amaan darida ka geysta qeybaha Gobalka Banaadir hase ahaatee holwgalkan ayaan la ogeyn waxaa uu ka badalayo dilalka iyo Qaraxyaa ka dhacaya Caasimada.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: