read more »">
Calendar

Ray’iisul wasaaraha oo taageerada caalamka ku faraxsan.

Isagoo wareysi siinayay Raadiyaha Dowlada ee magaalada Muqdisho Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa waxaa uu ka hadley taageerida balaaran oo Dowlada Soomaaliya ka heleyso beesha caalamka.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada baalaran oo ay dowlada ka heleyso Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo waliba aduun weynaha kale,isagoona sheegay in haatan ay is fur fureen ilihii badnaa ee buu yiri ee markii hore naga xirnaa.
Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowlada Soomaaliya haatan ay ku tala jirto in wax badan ay ka qabato gudaha dalka Soomaaliya hadii ay ahaan laheyd mida amaanka,Gudaha iyo Dibadana,hase ahaatee waxaa uu taageero weydiistey shacabka Soomaaliyeed.
“Anaga hadii aynu nahay Madaxda Dowlada Soomaaliya waxaan aad uga faraxsanahay taageerada nooga imaanaya beesha caalamka,wayo waxaan hada qaban rabnaa arimo dhowr ah”Ayuu yiri Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: