Calendar

Afhayeenka Ururka Alshabaab oo digniin u jeediyay Bahda Warbaahinta Dalka kuna tilmaamay kuwa ay Iibsatay Dowlada Fd soomaaliya.

shabaabuBartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Cusub ee kooxda Alshabaab Sheekh Cali Maxmuud (Cali Dheere) oo saxaafada la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in warbaahinta Gudaha ay yihiin kuwa la iibsaday taasi oo uu sheegay in ciddii ay doonaan ay magacya u bixiyaan isagoo ugu baaqay warbaahinta in ay ugu yeeraan Dhaqdhaqaaqa Alshabaab Al-Mujaahidiin.

 

Afhayeenka ayaa dalbaday in warbaahinta ay caddaalada sameeyaan isla mar’ahaantaana ay Magaca Kooxda Alshabaab iyo eryada la midka ah ay ka joojiyaan Mujaahidiinta sida uu shegatay isagoo u digay ciddii ugu yeerta erayadaasi .

 

“Ciddii ay dhibayso Magaca Xarakada Alshabaab Al-Mujaahidiin ha noo dayso hanana na dhinac marto,Ma aqbalayno in Kooxda alshabab nalagu tilmaamo waana arin Yasma ah,Maalin waliba Warbaahinta waxa ay ku celcewliyaan Dowlada KMG ah waxa ayna baahiyaan waxa ay rabto ma qaadanayno arintaasi”Ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

 

Afhayeenka ayaa ku goodiyaya in ay talaaba ka qaadayaan ciddii badashaa magacooda oo ah Alshabaab Almujaahidiin sida u isagu dalbaday isagoo sheegay in aanay doonaynin war laga sameeyo kooxdooda haddii aan magaca ay leeyihin laga kala baqanayo,.

 

Hadalkan ka soo baxay kooxdaasi Alshabaab ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dalbanayeen in loo tixgaliyo magaca ay leeyihiin oo u horay u dalbaday in aan la kala jarin magaca ay leeyihii afhayeenii hore Abuu-Mansuur.

 

Hanjabaadan ayaa imaanaysa xilli ay soo ifbaxayaan kooxa kale oo islaamiyiin ah oo ay ka mid tahay Ahlu-Sunnah Waljamaaca taasi oo xageda dalbatay in magacaasi loogu yeero balse isweydiintu ayaa ah yaa Lagu Tilmaami karaa Mujaahidiin Dhammaan raggan Diinta Wada sheeganaya oo ku wada riyaaqaya in ay Islaamka Difaacayaan.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: