Calendar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay Briten

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayoa ayaa Saaka waxa ay gaareen Magaalada Landon ee Xarunta waddanka Briten

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsanMadaxtoyada .

Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay

Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan Dalka Ingriiska .

Madaxweyanaha iyo wafdigiisa ayaa shir uga soo qayb galay Magaalada Brussels ee waddanka Beluimka kaas oo ay lahaayeen Ururka Midowga Yurub.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: