Calendar

Alshabaab oo wiil dhalinyaro ah gacanta Midig ugu jaray shabeelaha hoose.18 jun 2011

Wiil dhalin yaro ah oo aay ururka  al shabaab ku Eedeeyeen inuu jabsaday dukaan ayaa maanta ururkaasi waxa aay gacanta midig kaga gooyeen gudaha degmada afgooye ee gobalka shabeelaha hoose.

Boqolaal dadweyne ah oo ay ururka alshabaab u yereen ayaa maanta isugu soo baxay goobta fagaaraaha ah oo xukunka ka dhacay waxaana goobta ay ku daawadeen qaabka gacanta loo jaraayay.

Shacabkii ka soo qeyb galay gacan goynta ayaa maanta goobta isaga dareeray iyadoona xoog lagu soo celiyay ka dib markii aay u adkeysan waayeen dhawaqa calool xumadaha leh ee ka soo baxayay wiilka dhalin yarada ah

Qaadiga isku sheega maxkamada ururka al shabaab ee afgooye ayaa goobta ka hadlay waxaana uu sheegay hadal inta badan shabaab ay ku xeeldheer yihiin ee ah isaga ayaa qirtay isagoo goobta ka sheegay in wiilka dhalinyarada uu maxkamada ka qirtay dambigiisa sida uu hadalka u dhigay sabab cad ama marqaati la soo horkeynay majirin shacabka marka laga reebo in la xakumo oo gacanta laga jaro.

 

xukunSi kastaba ha-ahaatee qaadiga xukunka sharci darada ah lidayay ayaa wuxuu sheegay in ruux kastaa oo dhac geysta, dhibaateen geysta ay sugeysola xukumidoono sidaan oo kale , isla-markaana wuxuu sheegay ruux kastaa oo dembi galla, in lagu qaadi doono hadba waxa ay Xarakada Al Shabaab ka qabto. Mana ahan markii ugu horaysay oo xukun cayn kaan oo kale ah ay ka fuliyaan goobaha ay gacanta ku hayaan.

 

 

Xafiiska wararka bartamaha; muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: