Calendar

Xiisad dagaal oo ka taagan Duleedka Magaalada Kismaayo

BARTAMAHA – Wararka inooga imaanaya duleed ka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Hogaamiye Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ay Duulaan ku yihiin Magaalada Kismaayo.

Afhayeen u hadlay Maleeshiyada Barre Hiiraale oo lagu Magacaa bo C/rashiid Macalin Gaaz  ayaa idaacada Kulmiye u sheegay in ay qarka u saaran yihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

C/rashiid ayaa sheegay in ujeedka Dagaalka ay u qaadayaan ay tahay in Shacabka Magaalada Kismaayo Dhibaato ay ku hayaan Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba sida uu sheegay Afhayeenka.

Sidoo kale Xariir aan la sameynay Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ah ee Jubba ayaan noo suuro galin si aan wax oga weydiino Xiisada ka taagaan Duleedka Magaalada Kismaayo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: