Calendar

AMISOM iyo Al Shabaab oo ka hadlay qabsashada Jowhar

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo taagero ka helayo AMISOM ayaa la gudaha u gashey magalada Jowhar markii kooxda Al Shabaab ay iskaga baxayn.

Magalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Shabelada Dhexe waxa ay 90KM dhinaca waqooyi uga jirtaa magalada Muqdisho iyadona tan iyo 2009-kii ay gacanta kuhayeen kooxda Al Shabaab.

AL Shabaab waxa ay sheegtey iney magalada uga baxeen xeelad dagaal ayna ladaggaalami doonaan cidamada huwanta ee qabsaday magalada Jowhar.

“Waxa aan ciidamadeena uga bixinay magalada Jowhaar qidad dagaal” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Al Shabaab Abu Muscad isagoo wareysi siinayay wakaladda AFP, waxana uu raaciyey ineysan wax khasaaro ah aysen soo gaarin.

“Waxa aan ku suganahay meelo ku dhaw magalada, waxana ku raadsan doonaan banaanka iyo gudaha magalada Jowhar” ayuuna raaciyey Abu Muscab.

Dhinacoodane, AMISOM ayaa sheeegtey in guul ay tahay iney ka qabsadeenkooxda Al Shabaab magalada Jowhar, ayna horey u sii socon doonaan.

“Ciidamada AMISOM oo wehliyaan ciidamada qaranka Soomaaliya ayaa galay magalada, waxana jirey dagaal yar, Shabaab-na way ordeen inta aan soo soconay” ayuu yiri afhayeenka AMISM Cali Hamud oo wareysi siiyay AFP.

Cali Hamud waxa uu sheegay iney sugayaan amaanka magalada Jowhar.

Taliyaha guud ee AMiSOM Andrew Gutti ayaa sheegay in qabsashada Jowhar ay horseedayso sidii amaanka goboladda Hiiraan iyo Shabeelloyinka loo xaqiijin lahaa.

Magalooyinka Jowhar iyo Mahadaay waxa ay noqonaysaa meelihii ugu danbeyay ee laga wareego kooxda AL Shabaab, iyadoona tan iyo sanadkii hore la qabsaday meelo badan oo ku jirto Afgooye, Marka, Kismayo, iyo Baladweyne.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: