Calendar

Arooska Amiir William iyo Kate Middleton

marriedIlaa 2000 oo marti-sharaf ah ayaa lagu casuumay oo ka soo qayb galay arooska reer boqor, waxay iskugu jireen qoyska boqortooyada, qoyska reer Middleton, saaxiibada Kate iyo William, dad magac iyo sharaf ku leh dalkan Britain iyo debadda, iyo weliba madax ka kala socota ilaa 50 dal.

Dad iyaguna lagu qiyaasay ilaa 600,000 oo ka tirsan dadweyaha caadiga ah ayaa iskood iskaga kala yimid dalkan gudihiisa iyo dalalka kale ee reer Yurub iyo Maraykanka, si ay goob joog ugu noqdaan munaaasabaddani.

Suxufiyiin lagu qiyaasay ilaa 10,000 oo ka kala tirsan saxaafadda kala duwan ee adduunka ayaa iyaguna ku soo qulqulayey maalmahan danbe magaalada London, una imanayey arooskan reer boqor. Waxaase la sadaalinayaa in dadweyne gaaray liaa 2 bilyan oo qof oo adduunka ka tirsani inay ka daawan doonaan arooskani television-nada iyo warbaahinta adduunka.

ROYAL-WEDDING

Munaasabaddan waa tii ugu weyneyd ee nooceeda ahayd 30-kii sano ee uu danbeeyey dalkan Britian, markii Prince William aabbihii iyo hooyadii, Prince Charles iyo Lady Diana ay is guursadeen sanaddii 1981. Waxana sanadkaasi telifishannada adduunka ka daawanayey ilaa 750 milyan.

ROYAL-WEDDING (1)

Prince William iyo Kate Middleton waa ay isku doonanaayeen, waxayna isku barteen jaamicaddii ay ku wada jireen. Munaasabadda arooskooduna waxay si rasmi ah u bilaabatay 8 subaxnnimo ee saacadda London, waxana merehrkooda rasmiga ahi uu ka dhacay kanisadda West minister Abbey sacaaddu marka ay ahayd 11:00. Ka bacdina waxa loo gelbiyay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace, halkaasi oo lagu qaban doono xafladda arooska.

Gelbiska waxa ka qaybgelay cutubyada fardooleyda iyo ciidamada salaan-sharafta ee boqortooyada, iyo diyaaradaha ciidamada cirka ee dalkan Ingiriiska. Ilaa 5000 oo ka tirsan ciidamada booliiska a iyo nabadgelyada ayaa heegan laga dhigay, 1000 ka mid ah ciidamadaasina waxay tuban yihiin labada dhinac ee jidka la sii marinayay lammaanaha arooska ah marka la gelbinayay. Waxa kale oo la adeegsanayay ilaa 50 eey oo ah kuwa wax uriya.

Jidadka gaar ahaan degaannada West Minister iyo Buckingham Palace ayaa iyagana laga xidhay baabuurta iyo gaadiidka kale.

___

BBC Somali

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: