Calendar

Caga Jabeey oo Lagu eedeeyay in uu Gacan saar laleeyahay Ururka Al Shabaab

Waxgarad,Odayaa iyo Cuqaal Ka tirsan Beesha Ceyr oo Maanta kulan ku yeeshauy Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Cabdi Daahir Caga Jabeey in uu yahay Nin si Xoog ah Ku Afduubtay xilka Ugaaska Beesha Ceyr islamarkaana La shaqeeya Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Dhawaan ayaa War bixin ay soo saareen MI6 Sirdoonka arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska waxaa Ugaas Caga Jabeey Lagu eedeeyay in uu ahaa Xiriiriyihii Usaama Bin Laadin iyo AL Shabaab islamarkaana haatan sheego in uu yahay Ugaaska Beesha Ceyr.

Warar Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in laamaha dowladda Lagu War geliyay in Caga Jabeey arrintiisa dib u eegis Lagu sameeyo iyadoo arrintaasi ay si weyn u soo dhaweeyeen Cuqaasha Beesha Ceyr oo isu arka in Ninkaasi Loo garba duubay islamarkaana wixii uu doono ka sameysanayo.

Si kastaba Ugaas Daahir Caga Jabeey ayaa La Xasuutaa in uu  beesha Ceyr U Matalayay Kulanka sida weyn wax garadka beeshaasi uga Careysiiyay ee Al Shabaab ku sheegeen ay guddoonsiinayaan Beesha Diyada dadkii ay Micno darrada uga laayeen taasi oo la sheegay in lacagta Magta ah ee la bixiyay iyo dadka  Shabaabku ay ka dileen aaney isku dhigmin

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: