Calendar

Chelsea Oo Walaac Ka Muujisay Kubbada Technology-yada Xariiqda Goosha Ka Hor Kulanka Maanta

 

Rafael Benitez iyo Gary Cahill ayaa ka hadlay walaacooda ku aadan kubadaha teknooloojiyada xariiqda goosha ee Chelsea ay maanta ku ciyaari doonto semi-finalka Club World Cup.

Kooxda heysata koobka kooxaha horyaalada Yurub ayaa kulankeeda ugu horeya ee koobkan waxa ay saacado ka dib la ciyaari doontaa Monterrey ciyaar ka dhici doonta Yakohama, waxaana kulankaan uu bilow u noqon doonaa teknooloojiyada GoalRef, taasoo ah in aalad yar oo ku dhex jirto kubada taasoo garsooraha saacadiisa u direysa fariin ah in kubada ay dhaaftay xariiqda goosha iyo in kale. Iyadoo ciyaarihii u danbeeyay ee Club World Cup la isticmaaliyay teknooloojiyada Hawk-Eye ee shucaaca goolka.

Laakiin teknooloojiyada la dhexgeliyay kubada ayaa ka dhigay kubada mid ka culus sidii hore, sida ay sheegayaan ciyaartoyda Chelsea. Tababaraha ku meelgaarka ah ee Blues Rafa Benitez ayaa yiri: “Aad ayay u adag tahay marka aad laadeyso kubada. Maalintii ugu horeysay waxa ay dhahayeen waa ay adag tahay kubada.”

 

“Maalintii labaad waxba ma aysan dhihin, sidaasi darteed waan arki doonaa, Wax dhibaato ah ugu danbeyn ma keeneyso, marmarsiiyana ma noqon doonto. Waxaan u maleyneynaa in aalada yar ee la geliyay kubada ay ka dhigtay mid ka adag sidii hore. Caadiyan marka aad wadan kale ciyaar ku ciyaareyso waxa ay ku siiyaan kubadaha ciyaarta ka hor si aad tababar ugu sameyso inta aad joogto wadankaaga.”

Daafaca Cahill ayaa isna hadalkiisa raaciyay: “Waxa ay u ekeyd mid culus. Waxaan ku ciyaarnay maalmihii u danbeysay, sidaasi darteed qof walba waa ay la fiican tahay haatan.”

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Featured.
« »

Comment: