Calendar

Ilka-xanaf ” wasiirka dastuurka masoo magacaabi karo Guddiga Garsoorka”

ilko xanaf 2Bartamaha Muqdisho_ Guddomiyaha maxkamada sare ee dalka Soomaliya Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa kahoryimid qorshahe uu wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax C/qaadir ku doonayo inuu ku kala diro guddiga adeega garsoorka.

Ilka-xanaf ayaa sheegay in wasiirka garsoorka uusan awood ulahayn inuu soo magacaabo gudiga garsoorka, waxaana uu intaasi ku daray in xiligani aan loo baahnayn gudi kale, maadama uu sheegay inuu jiro guddiga adeega garsoorka.

Waxa uu sheegay in guddiga garsoorka uu ka madax banaan yahay Hay,addaha dowlada, mana jirto ayuu yiri awood siinaysa wasiirka inuu guddi kale soo magacaabo.

Ilka-xanaf oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dastuurka dalka uusan qeexayn in wasiirku uu soo fara gashto arrimaha garsoorka.

Arrintaan ayaa soo ifbaxday kadib markii Baarlamanka Soomaliya ay ansaxiyeen sharciga adeega garsoorka, taasi oo wasiirka garsoorka awood usiinaya inuu dibu habayn ku sameeyo adeega garsoorka.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: