Calendar

war murtiyeed laga soo saaray wasaarada warfaafinta oo ku saabsan saxaafada xorta .

saxaafadaMuqdisho, 3 May 2012) Waxaa Munaasabadan loogu dabaal dagayaa Maalinta Xornimada Saxaafada Aduunka, oo ku beegan maanta oo ah April 3, 2012.

Anagoo kala ah, xubnaha saxaafada xorta ah, ee ka howl gala gudaha iyo dibada, oo ay ka mid yihiin Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, waxay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo aasaas u ah saxaafada xorta ah iyo amniga loo baahan yahay in ay saxaafadda ku shaqeyso.

Gudiga Wuxuu isku raacay:

In la aqoonsado ahmiyada ay saxaafada u leedahay bulshada, iyadoo la xaqiijinayo kor u qaadida furfurnaanta iyo taageerada saxaafada si horumar looga gaaro xuquuqda insaanka iyo hididiilooyinka shacabka.

In la qeexo in saxaafadu ay door muhiim ah ka ciyaari karto sidii loo xoojin lahaa nabadda oo kor loogu qaadi lahaa sharciga, gaar ahaan mudada kala-guurka iyo wixii ka danbeeya.

In hoosta laga xariiqo ahmiyada ay lee dahay amniga suxufiyiinta, iyadoo laga codsaday in dowladda ay xaqiijiso in amniga suxufiyiinta la damaanad qaado, gaar ahaan markii ay jirto Qatar la taaban karo oo ka imaaneysa kooxo gaar ah.

In la tixgaliyo daruufaha adag ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta, iyo qatarta la xiriirto soo tabinta runta. Sidaas darteed, waxaan aad u cambaareyneynaa dilalka loo geysto suxufiyiinta, gaar ahaan, kii ugu danbeeyay ee Farxaan Jeemis Cabdulle, oo wariye u ahaa Idaacada Daljir, kaas oo xalay lagu dilay Gaalkacyo. Waxaan ku baaqeynaa baarintaan dagdag ah in lagu sameeyo arintaas oo la xaqiijiyo in cadaalad lasoo hor istaajiyo dabiilaha geystay ficilkaas.

In la ogaado baahida ah in la xoojiyo oo taageero lala garab istaago saxaafada xorta ah si loo hubiyo in laga hortago ilaha ay kasoo fulaan dilka iyo dhibaatada lagu hayo saxaafada.

In hoosta laga xariiqo baahida loo qabo in la difaaco danaha guud ee shacabka oo ah in nabad lagu noolaado, la difaaco xuquuqda saxaafada, oo ay ugu horeyso mushaar ku filan.

In la cadeeyo go’aan adag oo lagu wajahayo caqabadaha soo food saara saxaafada, iyadoo la kobcinayo xiriirka dowladda iyo kan saxaafada.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka qodobo dhowr ah oo u baahan in si wadajir ah loola socdo iyadoo la xaqiijinayo dhameystirka qorshahaas.

-DHAMAAD-

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: