Calendar

Ciidamada Khaatuma oo weeraray Soomaaliland

somaliland-armyBARTAMAHA – Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo ayaa ka dhacay Deegaano Hoos yimaada Magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool,waxaana Dagaalka uu yimid ka dib markii Ciidamada Khaatumo ay qaadeen Weerar Gaadmo ah.

Axmed C/laahi Ciise oo ka mid ah Dadka Magaalada Saaxdheer ayaa warbaahinta u sheegay in Dagaal Saacado qaaday uu dhexmaray Labada dhic,inkastoo aan wali la sheegin Khasaaraha soo kala gaaray labada Garab iyo Dadka Shacabkaa intaba.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ay dagan tahay islamarkaana ay Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo ay is hor fadhiyaan.

Magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Dagaal Magaalada looga saaray Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: