Calendar

Xukuumada Dowaldda Soomaaliya oo ansixiyay xeerka saxaafada dalka

somalia governmentBARTAMAHA – Golaha  xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay xeerka saxaafadda oo 2 todobaad kahor ay horgeysay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya kadib latashiyo ay la sameyneysay qeybaha kala duwan ee saxaafadda ka howlgasha gudaha caasimadda iyo gobollada dalkeena,

kulankan golaha wasiirada oo dood dheer looga yeeshay qodobada xeerka saxaafaddu uu dhigayo iyo qaabka dhowrista xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta meel mariyay xeerkaasi iyagoo u gudbin doona baarlamanka Soomaaliya oo isagu hadda kujira xiliga fasaxa iyadoo golaha baarlamanku uu isaguna ka doodi doono ,

Xeerka saxaafadda ayaa soo maray la tashiyo fara badan oo ay wasaaradda warfaafintu la yeelaneysay qeybaha uu quseeyo si loo soo saaro xeer waxgal u ah warbaahinta Soomaaliya maadaama mudo kabadan 20 sanadood uusan jirin xeer ay saxaafaddu leedahay inkastoo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Musatafa Sheekh Cali Dhuxulow uu mas’uuliyad weyn iska saaray sidii loo dhameystiri lahaa xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: