Calendar

Ciyaarihii istunka Afgooye oo dib Loo billaabayo

Munaasabad Ballaaran oo dib Xarigga Looga Jarayay Markale Ciyaar dhaqameedkii is Tunka ayaa waxaa Lagu qabtay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Munaasabadani oo ay ka qayb Galeen Marti sharaf kala duwan oo isugu Jira Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/hoose Xildhibaanno iyo qaybaha Bulshada Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ay sheegeen in tani ay muujineyso sida dowladda ay ugu Guuleysatay Xaqiijinta ammaanka Gobolkaasi Gaar ahaan Degmada Afgooye.

Ciyaaraha Istunka ayaan Laqaban afartii sano ee aan Ka soo Gudubnay oo Al Shabaab ay Maamulayeen Degmadaasi Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Sikastaba intii Munaasabadda ay Socotay ayaa waxaa halkaasi ay shacabka Degmada Afgooye ku soo Bandhigeen Hab Ciyaareedkii Ciyaarta Istunka taas oo xasuus ku beertay Dadkii daawanayay Ciyaarahaasi

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: