Calendar

CPJ : Cameron hakala hadlo Madaxweynaha Soomaaliya Gabood fallada Saxafiyiinta Soomaaliyeed

 Kulanka aad la qaadaneysid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Todobaadkan, waxaan jeclaan la heyn aad kula soo qaado arrimihii u danbeeyay ee ay dowladda Soomaaliya sameysay iyo sidoo kale dilalka loo geysanayo saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Mr. Ra’iisul wasaare, Wasiirka Arrimahada dibada Ingiriiska William Hague waxa uu dhawaan soo bandhigay qorshe cusub oo kadhan ah kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga goobaha colaaduhu kajiraan ka dhaca.

Sikastaba dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan howl ay ku maxkamadeyneyso Wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo wareystay Haweyney barakac ah 8-dii Bishii January taasi oo sheegtay in ay kufsadeen ciiidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inkastoo Mudane Ra’iisul wasaare uusan C/casiis baahin wareysigaasi hadana waxaa lagu soo eedeeyay in uu jabiyay qodobka 269aad ee xeerka dalka islamarkaan uu sumcad dil ku sameeyay mid kamid ah hay’addaha dowldda Soomaaliya.

Dhibanaha sheegtay in la kufsaday iyo sadax qof oo kale ayaa wajahaya eedeymo keeni kara in lagu xakumo xabsi gaaraya 9-sano.

C/casiis ayaa si sharcidaro ah loogu xiray saldhig boolis 2-isbuuc ka hor , marka la eego xiritaankiisa saraakiil sare oo uu ku jiro Madaxweynaha, Taliyaha booliska iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa war ay soo saareen ku sheegay in danbiga loo heysto uu daciifinayo mas’uuliyada hanaanka cadaalada.

Mudane Ra’iisul wasaare Cameron Saxafiyiintu kama sareeyaan sharciga, laakiin sidoo kale Saraakiisha ama Ciidamada Amaankuna kama weyna sharciga.

Bishii January 17, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadanku uu u baahanyahay  uu ka gudbo dhaqanada foosha xun ee xadgudubyada ah, laakiin balanqaadkiisa intii ay abuuri laheyd ciidamo baara ma aysan dhicin  taas.

Maalin kaddib markii uu hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh 18 January waxa Muqdisho lagu dilay Wariy Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo ah saxafigii 5aad ee laga dilo Shabelle muddo 13-bilood ah.

Mudane Ra’iisul wasaare CPJ waxa ay diwaan galisay geerida 12-saxfi oo lagu dilalay Soomaaliya 2012 taasi oo Soomaaliya ka dhigtay meesha u qarta badan ee ay ku noolyihiin saxafiyiin

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: