read more »">
Calendar

Cumar C/rashiid oo loo magacabay safiirka Maraykanka

sharmaarkeBartamaha Muqdisho_ Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa umagacabay Ra’iisul wasaarihi hore ee Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Safiirka Soomaliya ujoogi doona dalka Maraykanka.

Wararka ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid oo ku sugan dalka Maraykanka lagu wado maanta oo jimce ah inuu lakulmo Xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka, waxaana la sheegay in nuqul kamid ah waraaqihisa danjirenimo uu ugudbiyey John Kerry.

Maalinta Isniinta ah ayaa la filayaa inuu lakulmo madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, si uu ugu gudbiyo aqoonsigisa danjerinimo.

Kullanka ayaa noqon doona midkii ugu horeeyey oo danjire soomaliyeed waraqihisa aqoonsiga ugu wareejiyo madaxweynaha maraykanka muddo iminka laga joogo 20- sano, waxaana kullanku uu kadhaci doona aqalka cad.

Barack Obama ayaa dhowaan sheegay in maraykanku uu dib ufuran doona safaradisa uu kulaha muqdisho, waxaana dhowaan la sugayaa safiir cusub oo maraykanku usoo magacaaban doono Soomaliya.

Talabadan ayaa loo arka mid dib usoo hagaajinaysa xiriirka labada dal, waxaana dhowaan dowlada maraykanku xaqiijisay inay soomaliya ka joogaan ciidamo isugu dhafan khuboro mileteri iyo askar ameerikan ah.

www.Bartamaha.com

Muqdisho.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: