Calendar

Weerar markale lagu qaaday deegaano hoostaga jasiirada Lamu Kenya

lamu KenyaBartamaha Nairobi_ Wararka laga helaayo gobalka xeebta ee Kenya ayaa ku waramaya in koox hubaysan maanta oo jimce ah weerar ku qaadeen tuulo ku taala gobalka xeebta oo katirsan Jasiirada Lamu.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday oo gaaraya 300 oo dagaalyahan ay dab qabad siiyeen School ku yaala tuulada Panda Ngou, waxaana lasoo sheegay in dablaydu gudaha ugaleen saldhig ciidan oo ay ka qaateen qoryo fudud oo ay lahaayen ciidamada Kenya.

Si dhaba looma oga cida ka damaysa weerarkani, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayan in kooxda weerarka gaysatay  ku hadlayeen afka Soomaliga, taasi oo loo malaysan karo inay katirsan yihiin Al-shabaabka Soomaliya oo dhowr jeer weeraro ka gaysatay Kenya.

Goob joogayal magacooda qariyey ayaa usheegay wakaaladaha wararka in kooxda weerarka gaysatay ay sheegen inay sii wadayaan weerarada inta Kenya ay ciidamadeeda ku sugan yihiin Soomaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan sheegtay masuuliyada weeraro iyo dilaal qorshaysan oo ka dhacay Kenya, inkastoo madaxweynaha Kenya uu sheegay in dhibatada amni daro ay gacan kagaysanayan siyasiyin Kenyaan ah oo ku sagan dalkaasi.

www.Bartamaha.com

Nairobi.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: