Calendar

Deg Deg – Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka oo xilkii laga qaaday

Screen shot 2014-09-07 at 2.01.45 PMMuqdisho (BARTAMAHA) War goor dhawayd ka soo baxay shir deg deg ah oo ay yeeshen golaha wasiirrada xukuumadda dalka ayaa waxaa lugu go’aamiyey in xilka laga qaado agaasimaha guud ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wali wax faah-faahin ah lagama hayo shirka deg dega ah ee ay yeeshen golaha wasiirrada Soomaaliya,balse waxaa la sheegay in arrimaha ugu weyn ee looga hadlayo ay ka mid yihiin ammaanka dalka.

Ilaa hadda qodobbada horu-dhaca ah ee shirka oo u shir guddoominayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka soo baxay waxaa lugu xaqiijiyey in golaha wasiirada isku raaceen xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Lama sheegin sababta keentay in xilka laga qaaday agaasimaha oo dhawaan loo magacaabay inuu madax ka noqdo hay’adda nabad-sugidda qaranka

Faah faahinta kala soco Bartamaha Online

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: