Calendar

Maraykanka oo Kenya ka caawin doona ladagalanka Al-shabaab

lindaBartmaha Nairobi _ Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay ka go,antahay sidii Kenya ay uga caawin lahayd la dagaalanka ururka Al-shabaab, oo weeraro xoogan kagastay dalkaasi.

Haweynada ah xoghayaha arrimaha dibada maraykanka Linda Thomas Greenfield ayaa ka dhawaajisay in dowlada maraykanku ay taageeri doonto dowlada Kenya si ay uga adkaato weeararada ay Al-shabaab ka gaysanayso dalkeeda.

Waxay sheegtay in shacabka Kenya looga baahan yahay inay gacan kagaystaan ladagaalanka argagixisada, iyadoona intaasi ku dartay in Al-shabaab ay saamayn xoogan ku yeesheen  bulshada Kenya.

Ms. Linda ayaa xustay in iskaashi uu ka dhaxeeyo Hay,addaha ladagalnka argagixisada uqaabilsan Kenya, waxayna cadaysay in dhibatada intaasi kasii kordhi karto hadii aan wax laga qaban.

Hadalka Maraykanka ayaa imaanaya xili ay sii xogaysanayan weerarada iyo dilalka qorshaysan ee ay Al-shabaab ka gaysanayso gudaha dalkaasi.

Baratamaha.com

Nairobi.

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: