Calendar

Dowladda faderaalka oo beenisay in la iibsaday badda Soomaaliya

Wasiirka-Kallumeysiga

Muqdisho (BARTAMAHA) Wasiirka Kalluumaysiga iyo qeyradka badda xukuumadda Soomaaliya,Maxamuud Coloow Baroow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho,waxaa uu sheegay dowladda inaysan wax wada-hadal ah ka gali doonin badda Soomaaliya.

Waxuu uu beeniyey warar dhawaanahan soo baxayey oo ay saxaafaduba wax ka qortay kuwaaso sheegayey in badda Soomaaliya la iiban doonno oo ay dowladda faderaalku wada-hadal kala gali doonto Kenya.

“Waa war xaqiiqada ka fog dadka oranaya badda Soomaaliya la gadaya ama la iibinaya,waxaan idin sheegay majiro wax waa-hadal ah ama ay dowladda Soomaaliya gor gortan kala gali doonin badeedda,”ayuu yiri wasiir Baroow.

Wasiirku waxaa kalo uu shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday in badda Soomaaliya la yaqaano xadduudeeda oo ayasan dhici karin in gor gortan laga galo,isla markaana aysan jirin cid wax ka beddeli karta.

Wasiirka ayaa sheegay in ay wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay xildhibaannada baarlamaanka ka tuhun bixiso wararkaas oo uu xusay in ay suuqa gelinayaan dad aan rabin jiritaanka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in xudduudda badda Soomaaliya la sameeyay xilligii gumeystaha uu dalka joogay, isla markaana aysan jirin cid wax ka beddeli karta.

Ugu danbeyn,waxaa uu sheegay wasiirku in ay wasaaraddiisa qaadanayso mas’uuliyadda wixi ku saabsan kheyraadka badda, isla markaana dhaqaalaha ka soo baxa badda lagu horumarimayo kheyraadka laga soo saaro badda, hay’adaha wax-soo-saarka sameeya iyo nolosha dadka ku nool xeebada dalka.

Shirka jaraa’id ee wasiirku waxaa uu ku soo aadaya xilli dhawaan wareysi uu bixiyey admiraal Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo ah guddoomiyaha hay’ada cilmibaarisa badda uu ku sheegay in aysan jirin wax muran ah oo ka taagan badda Soomaaliya islamarkaana madaxweynaha Soomaaliya uu caalamka u diray warqad muujineysa xadduuda badda Soomaaliya,si caalamku u ogaado.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: