Calendar

Wasaaradda amniga Qaran Soomaaliya oo farriin u dirtay ciidanka Booliska

Somali police Force

Muqdisho (BARTAMAHA) Hadal ka soo baxay wasaaradda amniga qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lugu farray ciidanka booliska dalka gaar ahaana kuwa ka howlgalla Muqdisho in looga fadhiyo sugida amniga.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yaroow oo saxaafadda la hadlayey waxaa uu sheegay in mas’uuliyada amniga ee Muqdisho ay saaran tahay ciidanka booliska.

“Booliska ayaa looga fadhiyaa sugidda amniga Muqdisho,waxaana muhiim ah inay mas’uuliyad iska saaran sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho oo looga hortagi laha kooxaha nabad-diidka ah,”ayuu yiri Ibraahim Yarow.

Waxuu soo jeediyey in boolisku ay yihiin kuwa laga doonayo %90 inay xasiliyaan dalka oo ay sugan amnigiisa.

Ibraahim Yarow ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta booliska ee badbaadiyay feelashii ciidanka mudadii uu burburka ku jiray dalka,isagoona sheegay in ay door weyn ka qaaten jiri-tanka dalka.

Ugu danbeyn,waxaa uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka booliska, si loogu guuleysto xasiloonida iyo nabad kusoo dabbaalidda dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdan dadaallo lugu doonayo in lugu xaqiijiyo ammaanka.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: