Calendar

Hawlgal dad laguso qabtay oo xalay laga sameeyey Muqdisho

hawlgalBartamaha Muqdisho _ Ciidamada dowlada Soomaliya oo ay weheliyaan xoogaga AMISOM ayaa habeenkii xalay hawlgal dad lagusoo qab qabtay ka sameeyey xaafada  suuqa xoolaha ee degmada Hiriwaa.

Ciidamada ayaa la sheegay intii ay hawlgalka ku jiraan inay la kulmeen israsasayn, waxaana dad goob joogayala ay sheegeen in hal ruux uu ku dhintay iska hor imaadka halka qof kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Hawlagalka xalay ayaa lagu sheegay mid lagu sugayey amaanka magaalada, waxaana xaafada suuqa xoolaha lagu tiriyaa meelaha ugu badan oo ay al-shabaab ku sugan yihiin.

Saraakiisha laamaha amaanka ayanan weli kahadlin hawlagaladii ballaarnaa ee ay xalay ka fuliyeen xaafada suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, waxaana maanta deganaan laga dareemaya meelihii ay ciidanku hawlgalka ka sameeyeen.

Dowlada Soomaliya ayaa mar kale ku celisay inay sii xoojin doonan hawlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, kadib markii ay soo bateen dilalka iyo weerarada xarakada al-shabaab ka gaysanayso Muqdisho.

www.Bartamaha.com

Muqdisho

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: