Calendar

Howlgalo ay sameeyeen ciidamada dowlada oo lagu qaaday isbaarooyin yaalay inta dhexeysa Jowhar iyo Balcad

Ciidamada dowlada ayaa ku guuleystay in ay ka qaadaan baro koontarool oo ay dhigteen qaar ka mid ah ciidamada dowlada inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Howlgalo uu horkacayay taliyaha Guutada 1aad ee ciidamada xoogga dalka General Maxamuud Maxamed Saney ayaa waxa ay keeneen in loogaga qaado baro koontarool oo sharci darro ahaa oo ay dhigteen ciidamo ka tirsan dowlada inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Barahan koontarool ayaa waxaa gaadiidka mara wadada laamiga ah loogaga qaadayay lacago aan sharci ahayn iyadoo hore gaadiidleyda ay cabasho ka keeneen.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada qalabka sida General Cabdullahi Cali Caanood oo booqasho ku tegey shalay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay dil ku filin doonaan askarigii dhigtay isbaaro mar kale wadooyinka laamiga ah.

General Caanood oo wareysi siiyay Radio Jowhar ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin cid isbaaro dhigata isla markaana ay sameeyeen ciidamo gaar ah oo u taagan ilaalinta wadooyinka ay gaadiidka iyo dadkuba maraan.

Toddobaadyadii la  soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay cabashooyin ka soo yeerayay gaadiidka isticmaala wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe ee dalka iyadoo gaadiidlayduna ay ka cabanayeen isbaaroyin badan oo la dhigtay wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: