read more »">
Calendar

K’naan iyo Warbaahinta Dalka South Africa….Ma Argagixiso ayay moodeen mise?

Ibraahim Da'ud Abdalle

Ibraahim Da'ud Abdalle

K’naan Abdi Warsame sanadkan 2010 waxa uu noqday shaqsiga ugu caansan caalamka intiisa badan kadib markii heestiisa “Waving the Flag” ay noqotay hees indhaha caalamka soo jiidatay, K’naan ayaa sidoo kale ku caan baxay heesaha Raab-ka loona yaqaan “Rap songs” ee sida reer Galbeedka loo qaado isago ku heesa Luuqada English-ka oo wax badan ka caawisay in heesihiisa ay noqdan kuwo caan ah dad badana ay jeclaadaan ama dhageestaan/daawadaan.

K’naan ayaa in ka badan 86 Magaalo oo caalamka ah ka qaaday heestiisa “Waving the Flag” xilli uu la socday Koobka aduunka oo caalmaka intiisa badan lagu soo wareejiyay, Heesta K’naan ayaa runtii noqotay hees aad loo jecleesatay isla markanaa sida uu sheegay uu ugu tala galay 6 jir ilaa 60 jir in ay fahmaan dabcana dadka dhalinta ah aad ayay u jecelyihiin heesta K’naan iyadoo dalka India ay heesta K’naan noqotay heesta loogu jecelyahay in ay dhalinta dhageestaa/daawadaan.

K’naan iyo Koobka Aduunka.

K’naan ayaa noqday shaqsi dad badan ay ku xasuusan doonaan koobka aduunka ee 2010 dalka South Africa, dadka ku nool Africa gaar ahaan geeska Africa ee ciyaaraha ka daawada shirkada DSTV ee xarunteedu tahay dalka South Africa iyadoo shirkadan ay tahay “multi-channel digital satellite TV”, Kanaaladda laga daawado Shirkadan waxaa ku jiro kuwo ay Maamusho shirkada SuperSport (TV channel) oo inta badan ciyaaraha ama Kubada caalamka sida Horyaaladda laga daawado, Shirkadan SuperSport ayaa guud ahaan si wanaagsan looga daawaday ciyaaraha dadka ku noola Africa waxayna inta badan dadka daawanaya ay maqli jireen codka Al-fanaan K’naan oo runtii indhaha caalamka soo jiitay.

32 dowladd, Kumanaan taageero ah oo dalka South Africa yimid iyo Malaayiin dad ah oo TV-ga kala socday ciyaaraha waxa dhagtooda ku soo dhacayay heesta “Waving the Flag” taasi oo magaca iyo sharafta K’naan gaarsiisay meel sare.

Waxaaba intaas ka sii cajiib badan in markii dalka Spain oo koobka aduunka qaaday ay dalkoda dib ugu laabteen in Malayiin dadka ah ay soo dhaweeyeen iyadoo heesta K’naan ee “Waving the Flag” oo codbaahiyaal codad dhaareer lagu gudbinayay laga shiday halkaas oo ay ka socotay damaashaadka iyo soo dhaweynta xulka qaranka Spain.

K’naan iyo Calanka Soomaaliya.

K’naan Abdi Warsame inkastoo uu Soomaali yahay haddana waxa uu heestaa dhalasho dalka Canada ah, wuxuu intaas kala midyahay Soomaalida badan ee Caalamka daafihii ku sugan kuna socdaala dhalasho aan Soomaali aheyn.

Warbaahinta caalamka inta badan waxa ay isticmaalaan oraahda ah “Somali born Canadian”, inkastoo marwalba magaca Soomaali uu yahay midka ugu horeeya ee la sheego, iyadoo K’naan uusan yahay wadani runtii dhab ah.

Xafladdii Furitaan-ka ee Koobka Aduunka oo uu K’naan ka qaaday heestiisa “Waving the Flag” waxa uu watay/sitay calanka Buluuga ah ee Soomaaliya iyadoo dad badan mark ay arkeen in K’naan uu calanka Soomaaliya ka lulay South Africa ay farxad la ilmeeyeen, halka maanta ay Soomaaliya joogan kooxo diidan Qaranimada iyo astaamaha umadda Soomaaliyed, halka K’naan uu dadaal ku bixiyay sidii magaca Soomaaliya ee la bahdilay iyo calanka Soomaaliya ee dhulka lagu jiiday u mar kalle u soo noleen lahaa.

K'naan Abdi Warsame

K'naan Abdi Warsame

Xildhibanad aan kula Kulmay intuu uu Koobka aduunka socday ayaa ii sheegtay in ay Ilmeesay marka ay aragtay K’naan oo calanka Soomaaliya wata isaga oo boqolaal dad ah ka hor qaadaya heesta “Waving the flag”, balse waxaa wax laga xumaado ah ayay tiri in maanta dad aan la aqoon waxa ay u dagalamaan ay Calanka Soomaaliya ee dhibaatada loo soo maray ay yiraahdaan waa wax laga gudbay..

K’naan waa Geesi, waa Wadani, waxa uu galay diiwaanka taariikhda Umadda Soomaaliyed, waxa uu inoo yeelay sharaf anagoo wali ku mashquulsan in aan dhiigeena daadino bals rajadu waxay tahay in laga bixi doono.

K’naan iyo Warbaahinta dalka South Africa.

Guud ahaan Warbaahinta dalka South Africa inta aysan bilaaban koobka aduunka waxa ay wax badan ka qoreen in Argagixiso Soomaali ah ay Koobka aduunka Qaraxyo iyo dhibaato ka geesan donaan, balse Koobka aduunka si nabad ah ayuu ku dhamaaday oo waxa la sheegayay waxba kama jirin, dabcan South Africa sida Uganda oo kalle maahan oo waa dal horumar dhinac badan ka sameeyay, Ciidankiisa aysan Soomaaliya joogin sidoo kalana aanan Xuduud dhow wadaagin.

Dalka South Africa waxaa lagu dhibaateeyay Soomaali badan, lagu dilay, dhacay sidoo kalana qaarkood lagu gubay iyaga oo nool walina dabcan dhibaatadaas way socotaa mana filayo in ay joogsan doonto inta dhibaatadda dalka Soomaaliya ay socoto.

Warbaahinta dalka South Africa oo K’naan ka hadlayay ayaa tilmaamay in uu yahay nin Kibir badan, isla weyn isla markaana ah Shaqsi xir-xiran, qoraalkan ayaa ku soo baxay wargees laga leeyahay dalka South Africa.

“Ma ahan shaqsi la fahmi karo, markii aan u sheegnay ama ka codsanay in uu Show ama Bandhig ku qabto Alexandra township wuxuu sheegay in ay tahay meel aan amaan aheyn” waa erayo ka mid ah qoraal uu wargeeska Sunday times Bogiisa Internet-ka lagu soo dabacay. Iyadoo wargeeska uu yiri “Sidan waxaa u hadlaya shaqsi ku dhashay Magaaladda Mogadishu”.

Wargeeska oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan helnay daleeceemo ku aadan in K’naan uu dad badan u diiday in uu sawir la galo”, sababtoo ah K’naan waa shaqsi can ah, inta badana dadka waxaa caado ah in dadka Magaca leh ay sawiro xasuus ah la galaan.

Eedeemaha wargeeska Sunday times oo runtii ku dhisneen xaqiiqo ayaa cadeyn u ah in Warbaahinta South Africa ay ka xunyihiin in shaqsi Soomaali ah uu heerkaas gaaro isla markaana dalkooda uu calanka Soomaaliya ka babiyay, sidoo kalle shacabka South Africa ee dhibaatada u geesta Soomaalida Qaxa ku ah dalkaasi ayaa tilmaam sidoo kalle u ah in Warbaahinta ay ku faraxsanyihiin dhibataada loo geesanayo Soomaalida, dhan kalle inta uusan koobka aduunka bilaban waxa ay Soomaalida ku tilmaameen in ay yihiin dad Argagixiso ah marka wax walba way iska cadyihiin dabcan.

Haddiiba ay arrintu sidan tahay soo iska cadda in south Africa ay Soomaaliya cadow ku tahay? Soo la oran karo waxa ay ka xunyihiin dhibaatadda lagu hayo Soomaalida? Waa la dhihi karo K’naan in uu meeshaas gaaro waxa ay ku noqotay wax lama filaan ah?.

Salamat

Ibraahim Da’ud Abdalle

Djibouti, Djibouti Capital.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Maqaallo / Articles, The Story.
« »

Comment: