Calendar

Kooxaha Waa Weyn Ee Yurub Oo Indhaha Ku Haya Isku Aadka Champions League Ee Maanta

1

Indhaha oo dhan waxa ay maanta ku sii jeedaan Nyon iyadoo kooxaha ugu fiican qaarada Yurub ay maanta isku wajihi doonaan isku aadka wareega 16ka ee Champions League.

Real Madrid, Barcelona, Manchester United, Juventus, AC Milan, Porto, Borussia Dortmund, Bayern Munich iyo Celtic ayaa hore u soo qaaday koobkaan, waxaana ay hami ka qabaan inay mar kale ku guuleystaan.

Halka Paris Saint-Germain, Arsenal, Shakhtar Donetsk, Valencia, Malaga, Galatasaray iyo Schalke ay iyagana doonayaan inay markii ugu horeysay ku guuleystaan, iyadoon la filayo in isku aadka maanta uu ka soo baxo kulamo xiiso iyo xamaasad leh.

 

Sideeda kooxood ee kaalinta koowaad kaga soo baxay group-kooda ayaa ku dhici doonta 8da kooxood ee kaalin labaad kaga soo baxay group-kooda. Wareegaan kooxihii isku group soo ahaa iyo kooxaha isku wadanka ah iskuma dhici doonaan.

Lugta hore ee wareega 16ka waxaa la ciyaari doonaa 12ka iyo 13ka Febraayo, iyo 19ka iyo 20ka Febraayo halka lugta labaad la ciyaari doono 4ta iyo 6da March iyo 12ka iyo 13ka March.

Isku aadka waxa uu bilaaban doonaa 1:30 p.m xilliga Soomaaliya, waxaadna si toos ah u kala socon kartaa Laacib.net, adigoo nagu soo biiraya 1:15 p.m

                                               16ka Kooxood Ee Wareegaan U Soo

Kooxaha Kaalin 1aad Ku Soo baxay
Kooxaha Kaalinta 2aad Ku Soo Baxay
Paris Saint-Germain Porto
Schalke Arsenal
Malaga AC Milan
Borussia Dortmund Real Madrid
Juventus Shakhtar Donetsk
Bayern Munich Valencia
Barcelona Celtic
Manchester United Galatasaray
  • by staf

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: