Calendar

Sir Alex Ferguson: Pep Guardiola Waxa Uu Ii Sheegay Inuusan Wax Qorshe Ah U Diyaarsaneyn

Sir Alex Ferguson ayaa ka hadlay kulankii uu dhawaan la qaatay Pep Guardiola, isagoo sheegay in tababarihii hore ee Barcelona inuusan haatan wax qorshe ah u diyaarsaneyn.

Guardiola ayaa 12 bilood fasax ka qaadanaya kubada cagta ka dib afar sanno oo uu joogay Camp Nou, laakiin waxaa si joogta ah loola xiriirinayay kooxo waa weyn oo ka mid yihiin PSG, Chelsea, Manchester City iyo kooxda Sir Alex ee Mancheter United.

Wareysi la sii baahiyay isbuucaan, Ferguson ayaa ku xaqiijiyay wararka sheegayay inuu New York kula kulmay Pep, laakiin waxa uu sheegay inuusan bixin calaamad ku aadan mustaqbalkiisa.

“Ma yahay tababaraha loogu doondoonista badan yahay? Waa adag tahay in sidaas la yiraahdo” ayuu Sir Alex u sheegay Yahoo Sport.

 

“Wax yar ka hor ayaan la hadlay Pep, waxaana uu ii sheegay inuusan xiiseyneynin inuu ku soo laabto shaqada tababarenimo xilligan la joogo.

“Rikoorkiisa waa fantastik. Koobabkii uu la qaaday Barcelona waxa ay ahaayeen kuwa aan caadi aheyn, arjigiisa waxaa ku qoran inuu koobab ku guuleysto.

“Barcelona mar walba qaab ciyaareedkan ayay laheyd, waxaana ay ciyaari jireen kubad qurux badan. Laakiin waxa uu kordhiyay qaab ciyaareedkooda isagoo shaqo cusub dulsaaray ciyaartoyda.

“Waxa ay si aad ah uga shaqeeyaan haatan inay kubada dib u helaan, hadii aad taas iyo kubad heyashada isku hesho waxa ay ka dhigeysaa kooxda mid fantastik ah

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: