Calendar

Gudoomiyaha Baarlamaanja oo Haweenka baaq usoo jeediyey

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlaye kulan uu la qaatay qaar kamid haweenka Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in haweenka looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan siyaasada Soomaaliya.
Jawaari ayaa sheegay in haweenka ay yihiin lafdhabarta siyaasada Soomaaliya loona baahan yahay inay ka qeyb qaataan hanaanka siyaasada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in haweenka ay isweydiiyaan doorka ay ku leeyihiin siyaasada dalka Soomaaliya marwalibana ay muujiyaan sida ay ugarab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Shekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay in ka qeyb qaadashada dib udhiska iyo Dowladnimada dalka Soomaaliya doorka haweenka ay kaga jiraan ay tahay kaalin weyn loona baahan yahay marwaliba in la muujiyo.

Hadalkaan ayaa wuxuu Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Muqdisho wuxuu ka jeediyay kadib kulan uu la qaatay haween badan oo kamid ah haweenka Soomaaliyeed kaasi oo kula kulmay xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa horay ula kulmay qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho qaarkood halkaasi oo ay isku dhaafsadeen fikrado kala duwan

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: