Calendar

Madaxweyne Gaas oo Addis-Abba kula kulmay safiirka Ethiopia u fadhiya Britain

WAR-SAXAAFADEED

Jimce 28. February, Addis Ababa:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula yeeshay magaaladda Addis Ababa Safiirka Ethiopia u fadhiya Britain ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Gregory Dorey iyo Lizzie Lovett oo xoghaynta 2aad ee Safaaradda.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayay Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Sareeye Guuto Siciid Dheere, Wakiilka Ethiopia u fadhiya Puntland Mahad Faarax iyo saraakiisha madaxtooyada.

Madaxweynuhu Britain waxa uu u gudbiyay warbixinta Puntland iyo xaaladaha ka jira, barnaamijka xisbiyadda badan iyo weliba qorshahe hawleedka shanta sanno.

Britain iyo Puntland ayaa kulanka uga wada hadlay xoojinta xiriirka dimblumaasiyadeed ee u dhaxeeya, iskaashiga amaanka ,horumarinta nabadgelyadda iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland

sawir

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: