Calendar

madaxweyne shariif oo soo siyaartay goobtii qaraxa ka dhacay iyo dadkii ku dhaawamay qaraxaasi foosha xumaa ee gumaadka shacabka ahaa.

madaxweynaha oo boqday dadkii ku dhaawacmay qarixii shalay magaalada muqdishoWar-Saxaafaddeed:

(Mogadishu, Somalia, October, 05, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay falkii waxuushnimo ee lagu xasuuqay shacabka Soomaliyeed siiba arday fara’badan oo ay kooxda arxan’laawayaasha ah ee Al-Shabaab/Al-Qaeda gaysteen shalay.

Madaxweynaha ayaa horaantii booqday Isbitaal Madiina oo ay ku suganyihiin qaar ka mid ah dadkii masaakiinta ahaa ee ku dhaawacmay qaraxii lagu gumaaday indha ummada Soomaliyeed. Madaxweyne Sharif ayaa la kulmay dadkii ay musiibadu ku habsatay shalay, isagoo war’bixin dheeri ah ka qaatay dhaqaatiirta Isbitaalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Isbitaalka AMISOM ee xalane oo la geeyay dadkii ugu qatarsanaa dhaawacyada. Madaxweynaha ayaa qof qof u kormeeray dadka ay dhibaateen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Dhaawacyadaan ayaa u badnaa ardaydii iyo waalidiintooda oo ay soo gaareen dhaawacyo aad u xun oo gubasho u badan.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhaqaatiirta AMISOM oo ku dadaalaysa sidii ay u bad’baadin lahaayeen shacabka la dhibaateeyay, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu howl jiro sidii wadamo kale loogu qaadi lahaa dadka aan dalka gudihiisa lagu daaweyn karin.

Ugu dambayntii Madaxweynaha ayaa booqday xaruntii ay dagenaayeen wasaaradaha iyo goobihii u dhawaa oo ay shalay qaraxa ismiidaamintaa la beegsadeen kooxda arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab. Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in uu ku dhawaaqay gudi heer wasiir ah oo loo xilsaaray sidii cadaalada loo hor keeni lahaa dambiilayaashii ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay shacabka shalay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in dowladu ay furtay mandaqad lacag loogu arrurinayo dadkii ku wax’yeeloobay musiibadii shalay, isagoo ku dhawaaqay in dowladu ay bixinayso 100kun oo dollar.

-  Dhamaad –

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: