Calendar

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay arimaha Somaliland iyo Putland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 1-da Luuliyo oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho ayaa amaanay horumarka iyo nabadda ay ku talaabsadeen maamulada Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay in loo baahanyahay in looga daydo, laguna ammaano horumarka ay gaareen sida uu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in goboladaasi ay wax badan ka horeeyaan kuwa ku yaala bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, isagoo xusay inay ku naaloonayeen nabad iyo horumarro kale oo ay sameysteen intii uu dalku burburka ku jiray, wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arrimahaasi “Dalka qeybo badan oo ka mid ah xalaado kala duwan ayey ku suganyihiin, Somaliland iyo Puntland way dhaamaan gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, marka la fiiriyo xagga maamulka, amniga iyo degenaashaha, waana uguhambalyeynaynaa wanaagga ay bulshadooda u horseedeen, dowladda Federaalka ahna waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato waxwalba oo lagu horumariyo guulaha ay dadkaas gaareen”.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wararka meelaha la marinayo ee ah in dowladdu ay siyaabo aan caddeyn wax u wadaanna waan beeninaynaa, waxaana diyaar u nahay inaan caawinno Soomaalida dooneysa inay horumar gaaraan oo dhan, wuxuuna yiri “Inteena kale waan ku dayayneynaa wanaagga ay gaareen maamulada ka jira waqooyi-bari ee Soomaaliya Puntland iyo Waqooyigalbeed ee Somaliland, baaqeenuna waa horay u sii wada horumarka amniga aad heysataanna xajiya, adeegga umaddana loo qabanayana sii wada,dhamaanteena aanu kawada shaqeyno si loo helo Soomaaliya oo mid ah”.

Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay halgankii loo soo maray sidii ay Soomaaliya xor ku noqon laheyd, isagoo sheegay dad badan ay dhiigooda u daadiyeen, haween badan ay dahabkoodii u gadeen, dad kale oo badanna ay xabsiyada u galeen, sidaas owgeed wanaaggaas inaan ilaalinno ayaa nalaga doonayaa ayuuna yiri, isagoo sidoo kale yiri “Magacii dowladnimadii iyo shafartii Soomaaliya inaan dib u soo celinno ayaa maanta u taagannahay qoraxda, halgalkii loo soo maray xoriyadda waan garanaynaa mana aheyn mid ku saleysan maslaxad gaar ah, balse waxay aheyd mid dhamaanteen faa’iido noogu jirtay, waana inaan ku dadaalnaa inaan dhowrno halgalkii ay abayaasheen dedaalka u soo mareen”.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in loo baahan yahay inaan macno-darro laga dhigin dadaalkii iyo dhiiggii loo daadiyey xoriyadda, loogana baahanyahay qof walba oo Soomaali ah inuu qeyb ka qaato sidii dalkan uu ku noqon lahaa mid deggan oo nabadi ay ka jirto.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: