Calendar

Putland oo difaacday joogitaanka ciidamada Kenya. Sababta Maxay tahay?

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku lug leedahay dagaaladii Kismaayo, ayna fara gelin ku heyso maamulka Jubaland ee ay taageerada xoogan u heyso.

kuxigeenka maamulka Puntland C/samad Cali Shire ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso Ciidamada Kenya, markii laga saaray magaalada Barre Hiiraale iyo Shabaab.

“Dowladda waxay dhaleeceyneysa kenya waxa weeye ma markii Barre Hiiraale iyo Shabaabki magaalada ku jiray laga saaray, kama mudna”ayuu yiri C/samad Shire.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay ka mid yihiin dallada AMISOM, isla markaana waxaa uu hadalka dowladda ku tilmaamay mid aan la aqbali karin

“Aad iyo aad ayaa u soo dhoweynaya Ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM, ma ahan in la kala sooco waxa loo soo dhoweynayo kuwa xamar joogo oo kuwa jubada hoose loo dhaleeceynayo ma naqaano”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maamulka Puntland ayaa horay taageero ugu muujiyay Maamulka Jubaland, garabka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, iyadoo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in hab sharci aanu ku dhisneyn maamulkan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: