Calendar

Marekanka oo hurumarinta Booliska Soomaaliya ku bixinaya 1.9 milyan dollar

Somali Police USA

Washington (BARTAMAHA) Dowladda Marekanka ayaa xilligan ku howlan qorshe cusub oo lugu doonayo in lugu horumariyo booliska Soomaaliya oo u dibu dhis iyo habeen ay ku socoto,maadaama uusan muddo dheer shaqeyn booliska dalka.

Qorsha ay dowladda Marekanka ku doonayso inay ku horumariso booliska Soomaaliya,waxaa uu yimid kaddib markii maalmo ka hor ay heshiis kala saxiixden ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty iyo wasiirka maaliyadda Soomaliya,Xuseen Cabdi Xalane.

Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Marekanka ay taageero siiso booliska Soomaaliya si dibu dhis loogu sameeyo muddo ka badan 23 sanno oo u dalka ku jiray bur bur iyo dagaallo,kaddib.

Waxaa kalo heshiiska lagu qeexay in dowlada Mareykanku ay bixineyso lacag dhan 1.9 milyan dolar, oo lagu horumarinayo shaqooyinka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya McAnulty iyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo iyagu saxiixay heshiiskaasi laba geesoodka ah, oo loo qoondeeyay lacag dhan 1.9 milyan oo doolarka Mareykanka ah, ayaa dib loogu habeeynayaa qaybaha amniga Qaranka, iyada oo lagu qarashgareenayo mashaariicda horumarinta booliska.

Mareykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada shaqeeyandoona mashaariicda lagu kordhinayo awoodda ciidanka booliiska, si ay uga hortagaan wax kastoo liddi ku ah amniga.

Dowladda faderaalka ayaa horay u sheegay in Marekanka uu ballan-qaaday taageero buxda oo u siiyo Soomaaliya,waxaana shalay dalka ku soo xirmay shir uu ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya kaas o u dhaxeeyey madaxda Afrika iyo madaxweynaha Marekanka.

BARTAMAHA ONLINE

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: