Calendar

Markii ugu horeysay, wasiiro tagay Kismayo

Wasiiro katirsan Xukuumadda Somaaliya ayaa manta gaaarey magaalada kismaayo islamarkaana ujeedkooda tagitaanka Magaalada Kismaayo ay tahay ukuurgelida xaalada Magaalada Kismaayo.

Wasiirada Xakuumada Somaaliya ee manta tagay Magaalada Kismaayo ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga Mudane C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/Laahi Ciilmooge Xersi iyo Wasiirka Wasaarada Awqaafta Diinta iyo Garsoorka Mudane C/Laahi Abyan.

Wasiirka ganshaandhiga xakuumadda Somaaliya C/xakiin xaaji maxamuud Fiqi ayaa sheegay Socdaalkiisa kismaayo in ay tahey xaaladaha Magaalada Kismaayo iyo sida ay uhowlgalaan ciidamada xooga dalka.

Sidoo kale Wasiirka Garsoorka iyo cadaalada Xukuumadda Soomaaliya ayaa isna sheegay inuu Kismaayo u tagaayo sidii garsoorka iyo cadaalada looga hirgelin lahaa iyo deeganada kale oo ay ciidanka la wareegeen.

Wasiiradan katirsan xakuumada Somaaliya ayaa Manta safarkoodii ugu horeeyay ku tagay magalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: