read more »">
Calendar

Sarkaal katirsan Nabadsugida oo muqdisho lagu dilay

muqdishoBartamaha Muqdisho_ Kooxo hubaysan ayaa saaka weerar ku qaaday gaari ay lasocdeen saraakiil katirsan Hay’adda Nabad-sugida oo marayey degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

Wararka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay labo ruux, halka mid kalena lagu dhaawacay, waxaana dadka la dilay ku jira sarkaal la yiraahdo Ibraahim axmed Faarax oo ahaa taliye kuxigeenka Hay,adda ladagaalanka argagixisada.

Goob joogayaal ku sugan halka uu falku ka dhacay ayaa sheegay in gaariga ay wateen saraakisha lagu horgooyey gaaari kale, iyadoona kadib lagu furay rasaas, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka gaysatay.

Masuuliyada weerarkani ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab, iyagoona kusoo daabacay barta Intarnetka inay khasaare ballaran ugaysteen saraakisha Nabad sugida Soomaliya.

Saraakiisha Hay,adda Nabadsugida ayaanan weli kahadlin weerarkan lagu dilay sarkaalka katirsan iyo askariga kale, waana markii labaad oo weerar noocani ah ay Al-shabaab ka gaystaan Muqdisho inta laguda galay Bisha Ramadaan.

www.Bartamaha.com

Muqdisho.

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: