read more »">
Calendar

Xog la helayo iyo cabsi soo kala dhexgashay Madaxda dalka

xasan5Wararka aanu ka heleyno Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxa ay kuwaramayaan in Madaxda ugu sareyso Dalka ay soo kala dhexgashay cabsi xoogan oo dhanka Amaanka ah ka gadaal markii maamo ka hor ra’isul-wasaare C.wali uu ka bad-baaday weerar lagu qaarijin rabay.

Gudaha Villa Soomaaliya gaar ahaan wadooyinka u dhaxeeya Xafiiska madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul-wasaaha ayaa waxaa lagu jaray Dhagaxyo waa weyn ayadoona Ra’isul-wasaare C.wali Shekh uu sameystay Ciidamo u gaar ah oo waar diyeeya xafiiskiisa.

Dhanka kale Aqalada Wasiirada, Xildhibaanada iyo Taliyayaasha Hay’adaha Ammaanka ayaa waxaa lasoo dhoobay dhagaxyo hor leh, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan u keenay Gaadiidleyda iyo dadka shacabka ah ee wadooyinkaasi adeegsada, iyadoona xiliyada qaar ay suuragal tahay in sabab la’aan ay dadka u dilaan Ciidamada illaalada u ah Mas’uuliyiintaasi.

Sikastaba cabsidaan xoogan iyo kala shakigaan soo kala dhexgalay Madaxda dalka ugu sareyso taasi oo keentay in ay kala goostaan wadooyin ku dhexyaalo Madaxtooyada ayaa la ogeyn waxa ay keeni doonto ayadoona xaalada iminka ay isku soo u ruurisay in dhagaxyada laga raadiyo Amaan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: