20 Qodob oo Muhiim u ah Noloshaada si aad u Hagaajiso

Posted on Dec 25 2012 - 8:44am by Staff

Xoreey Noloshaada Oo Ha Noqon Qof Xirxiran………………… Ku Bixi waqtigaaga Dadka Hagaagsan oo ku dayashada mudan, si aad u hesho caqli nadiif ah oo aad kaga guuleysato nolosha cajiska maxey tahay sababta aad kaga guuleysaneyso? Nolosha caajiska waa horseedaha burburiyaha qalbiga haddii taasi dhacdana waxaa gebi ahaanba burburay noloshaada oo idil

Goor hore go’aanso waxa hortaada yaal……………… xilliga go’aan qaadashada ma ahan wax dhib yar mana ahan wax markiiba lagu degdego Oo maahmaah soomaaliyeed ayaa oroneysa ” DEGDEGSIINYO DOOR MA DHASHO ” marka waxaa loo baahan yahay inta aadan go’aansan talada, waxaa haboon in aad dhinacyo fara badan ka eegtid, kolba aad go’aan gaareysid waa inaad u kala saarta faa’iido iyo qasaaro sababta ayaa noqoneysa wax weliba waxaa ku lamaansan guul iyo guul daro

Ogolow Dhigaada in Aad fursad siiso………………………. marka aad milicsato ruux xambaarsan aragtiyo kala duwan fursad sii, taasi ayaa fududeynayso in aad kala qaadataan xogo muhiim ah oo la xiriira nolosha iyo dabeecada, maxay noqon natiijada waxaa markiiba garaneysaa fikrada uu xambaarsanayahay iyo waxa uu damacsanyahay, Adigase waxaa lagaa Doonaaya in aad kala saarto waxa kaala gudboon fikirkiisa adigoo eegaya wanaaga iyo Qadarinta qofka aadanuhu mudan yahay

Qof Weliba U Muuji Naxariis iyo Xushmad……………… Naxariista iyo xushmada waxa ay kaalin weyn kaga jirtaa nolosha wanaagsan waxa ay sahasha in aad bulshada sumcad ka kasbato sidoo kale waxa ay sahashaa in bulshada guud ahaanteeda ay xiiso weyn kuu qabaan la kulankaadase ay ku fekeraan heer si dadka martabada sare leh

Darajada qof leeyahay Ha Xaqirin………………… waa xaasidnimo tan ugu xun in aad xaqirto darajada qofku leeyahay waayo is naceybku waxa keena in darajada aan la isku ogoleyn oo la isku diido horumarka lagu tilaabsado sababtoo ah wanaaga bulshada waxaa kaalin ka ciyaarta in la isku ogolaado darajada qof leeyahay

La Soco Qeybaha kale Insha Allah