read more »">
Calendar

Dawlada Turkiga oo qalab caafimaad ugu deeqday dowlada soomaaliya

Dawlada turkiga ayaa waxaa ay soomaaliya u dirtay qalab caafimaad oo gaadhaya 27-tan,kaasi oo lagu gargaari doono Cusbitaalada iyo goobaha kale ee caafimaad dalka soomaliya ku yaala.

Hay’ada la tacaasha macaluusha iyo gaajada ee dalka turka oo loo soo gaabiyo AFAD ayaa waxaa ay masuul ka tahay qalabkani oo noocyo badan,waxaana qalabkani soo diristiisa qayb ka ahaa wasaarada Caafimaadka dalka turkiga taasi oo fududeysay sidii soomaliya loo gaadhsiin lahaa.

diyarada Turkish Air ayaa qalabkani keentay magalada Muqdisho galinkii danbe ee Isniinta,waxaana qalabkani la geeyay bakhaaro ku yaala xarunta safaarada Turki ee magalada muqdisho,iyadoona la sheegay in la soo darsi doono marka hore sida baahiyaha loogu qabo qalabkani iyo sidii dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa.
Turkiga ayaa soomaaliya garab istaagay bilowgi sanadkii 2011 waxaana lagu xasuustaa samata bixinta dadkii abaaraha ku dhufteen qaybo ka mid ah dalka,waxaana sidoo kale dalka Turkiga uu Jaamacado iyo dugsiyo sare siiyay arday farabadan oo soomaaliyeed oo haatan wax ka barta dalkaasi.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: