Calendar

Taliyihii hore ee nabad-sugida oo Xildibaan mar kale noqday

bashiir goobe

Muqdisho (BARTAMAHA) Waxaa maanta loo dhaariyey xilka xildhibaanimo, agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya Jenaraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe),waxaana lugu hordhaaliyey xaritaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka.

Xidhibaannada ayaa maanta ku shir sanna xarunta baarlamaanka dalka,waxaana Bashiir Goobe u dhaariyey xubinta xildhibaanimada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka,Mahad Cabdalla Cawad.

Kursiga hadda loo dhaariyey Bashiir Goobe waxaa horey ugu qornaa kana mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya nin wakaalkiis ah oo lagu magacaabo Qaasim Maxamed Jaamac oo hada iska casilay kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad badan ayaa aaminsan in qorshaha uu Jen Bashiir Goobe uga mid noqonayo ay tahay mid uu ku doonayo in uu kusii dhax jiro Siyaasada Soomaaliya, waxaana horey Xildhibaanada Baarlamanaka ugu biiray xubno xilal ka hayay dowlada oo markii laga qaaday Baarlamaanka ku biiray.

Madaxda dowladda ayaa gaasimaha xilka uu horay u hayey ka qaaday,kaddib markii ay bateen falalka amni xumo ee ka dhacaya Muqdisho,waxuuna qeyb ka ahaa taliyaal xilalka laga qaaday.

Bartamaha

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: