read more »">
Calendar

Wiil uu adeer u yahay Ra’isul-wasaare Saacid oo lagu dilay Ciraaq

Faarax Maxamed Faarx Shirdoon

Wararka aanu ka heleyno Magaaladda Baghdad ee xarunta Dalka Ciraaq ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi lagu dilay wiil uu adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C.Faarx Shirdoon “Saacid”.

Wiilka uu adeerka u yahay Saacid ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Faarax Maxamed Faarx Shirdoon oo ah nin Soomaali Canadian ah  waxa uuna horay ugu  biiray Al-Qaacidada ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya sida ay xaqiijiyeen Sirdoonka Canada.

Madaxa ugu sareeya Sirdoonka Canada Michel Coulombe  ayaa sheegay inay ka warqabeen in Mr Faarax uu aaday dhinaca Ciraaq islamarkaana uu Video kasoo dhax muuqday isagoo Baasaboorkiisa Gubaya una hanjabaya Canada.

ilo wareedyo iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Canada oo uusoo xiganayo TV-ga CBC ayaa xaqiijinaya in ninkaasi lagu dilay meel kamid ah Ciraaq.

Wasiirka arimaha Dibadda Canada John Baird oo saxaafadu arintan ay wax ka weydiisay mar uu shir jaraa;id qabanayay ayaa sheegay inay ka warqabana arintaasi balse uusan rabin inuu hada ku dheeraado ka hadalka macluumaadkaasi.

Sikastaba Ra’isul-wasaare saacid oo adeer u ahaa wiilka lagu dilay Ciraaq ayaa waxa uu Bartiisa Twitterka ku sheegay inuu aad uga xun yahay in wiilka uu adeerka u yahay in uu  ku biro Kooxda Daacish iyo dhimashada ku timid.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: