Calendar

Xoosh “Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu siyaasaddiisa ku sarifto Arrimaha Sh. Dhexe kana yeeli mayno”

abdirahman hosh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku dhaliilay Madaxwaynaha Soomaaliya qaabka uu umarayo maamul samaynta sheegayna in Hogaanka talada haya ee Soomaaliya ay ku fashilmeen maamul dhisida.

Muqdisho (BARTAMAHA) Xildhibaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu xiligan doonayo inuu maamul cusub u magacaabo gobolka Shebellaha Dhexe xiligi dowladdiisa ay u hartay mudo ka yar hal sano.

Xoosh ayaa uga digay Madaxwayne Xassan inuusan faraha la galin arinta shabbellaha dhexe, madaama uu maamulka hada haya gobolkaas uu qabtay shaqo fiican oo istaahisho in lagu maamuuso, aysana haboonayn in madaxwaynaha uu u sarifto arimo arimo siyaayadeed.

Arrimaha hada jira waxaa ka mid ah waqti yar oo ka haray 2016, mana ahan in madaxwaynaha uu faraha la galo Shabellaha dhexe, dad ayaa kasoo shaqeeyay, shaqo fiican ayay soo qabteen lakiin mahan in madaxwaynuhu inuu arrin siyaasadeed ku sarifto wax fiican mahan” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh Jabriil.

Masuulkan oo ka tirsan xubnaha ugu muuq muuqda gollaha wakiilada shacabka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada inaysan faraha la galin meel kasta xiligan Wadanku uu ki jiro xaalad cakiran.

Dowladda SOomaaliya ayaa tan iyo markii lasoo magacaabay sanadkii 2012 u muuqatay midku mashquulsan maamul magacaabista gobollada wadanka, halka dastuurka kumeel gaar ka ah ee dalka uu qoraya inuu shacabka Soomaaliyeed ay soo dhistaan maamulo ku dhisan rabitaankooda, halka dowladdu ay u fududayso in maamulkaas bulshadii soo dhisatay uga qabto howlaha loo igmaday.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: