Calendar

Qaxooti Soomaali ah oo laga saaray xero dhacda xuduud ka France iyo England

BARTAMAHA – Cidamada booliska dalka faranca ayaa shaaca kaqaaday in dadka laga rarayo xerada qaxoootiga ee Calais kasoo kala jeedaan wadamada Somalia,Syria,Afghanistan,Pakistanm iyo Eretria.
Xerada Calais ayaa waxaa kadilaacay cudurada ay kamidyihiin Kuwa maqaarka kudhaca taasi ayaana kaliftay in ciidamada ay dadka kasaaraan xeraadaasi.

600 oo qaxooti ah ayaa lagu qiyaasay dadka xerada kusugan ,maalintii shalay ahayd ayaa amar kasoo baxay dowlada faranca waxaa loogu sheegay dadka in qaxootigu ay xerada kabaxaan ,wixi intaa kadambeyana qaxootiga somalidu ay kamidyihiin ayaa bilaabay iney kabaxaan halkaasi oo ay aadaan dalka Britain iyagoo si sharci dara ah kudhuumanaya.

Qaxootiga ayaa xerada Calais kadhigay Dibadbax ay uga cabanayaan in aysan dowlada faranca halkaasi kusiinin adeegyadii asaasiga u ahaa Nolasha sida ,Cunto nafaqo leh,Biyo Nadiif ah,iyo Daawo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: