Calendar

Al-shabaab oo qof rayid ah ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in maqribnamadii galabta ciidamo ka tirsan Alshabaab ay halkaasi ku dileen qof rayid ahaa.

Wararka ayaa intaasi waxey ku darayan in qofkaani la dilay galkabta uu ahaa nin dhalainyaro darwal ka ahaa baabuurta loo yaqaan hoomeyga  ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho,iyadoona aanan si rasmi ah loo ogeen waxa sababay dilkaani.

Balse dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Alshabaab inta aysan dilin ninkaani ay ku amreen in baabuurka baakin galiyo,waxaana markii sida la sheegay uu ka dhaga adeegay amarkaasi ay rasaas ku fireen ciidamada Alshabaab, taasi oo keentay in halkaasi uu ku geeriyoodo.ciidamada Alshabaab dagmadaas ayaa fajignaan dheer ku jira.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada Alshbaab dad rayid ah ku dilaan deeganada ay ka taliyaan,iyadoona ay tani caado ka noqotay goobaha iyo xaafadaha ay shabaabka gacanta ku hayaan dilalka iyo dhaca hantida shacabka Soomaaliyeed.shabaab-fighters-on-truck

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: