Calendar

Ma Dhab baa inuu Abuu Mansuur Al Amriki ku dhintay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho?

ap_al_amriki_100517_mnWasiirka difaaca xukuumada KMG Somaliya Abdihakim Mohamud Haji Fiqi aya maanta sheegay in qof muhiim u ahaa Al-shabaab isla markana u dhashay dalka Mareykanka oo ka yimid magalada Alabama uu ku dhintay dagaaladii dhawaan ka dhacay magalada Muqdisho.

Abdihakim Mohamud Haji Fiqi oo ah wasiirka difaaca xukuumada KMG ayaa wakaalada wararka ee (AP) u sheegay inuu helay warar sir ah  oo sheegaya inuu dhintay ninka ay sida weyn u doon doonayaan dalka Mareykanka ee Abu Mansour al-Amriki.

Balse waxuu wasiirka qiray inaysan heyn meydka Abu Mansour al-Amriki,isla markaana wararka sirdoonka laga helayo aanan si buuxda loogu kalsooneyn.

“..Waxaan helnay warbaxino sheegayay inuu dhintay Abu Mansour al-Amriki” Fiqi aya sidaasi sheegay.

“..Ma hubi 100% inuu dhintay isaga,balse warbaxino badan oo aan ka helnay meelo ka duwan ayaa sheegaya taasi,sidaasi darteed waxaan u baahanay inaan hubino warkaasi..”

Abu Mansour al-Amriki oo ka hor inta uusan ku biirin Alshababaa magaciisa ahaa Omar Haammami ayaa ku soo barbaaray  magaalo yar ee ku taala Alabama,isagoona Alshabaab ku biiray sanadkii 2007 markaasi oo kaliya 20 jir ahaa,waxuuna noqday waxii markaasi ka dambeeyay nin ay si weyn u raadinayaan sirdoonka Mareykanka.

Inkastoo uu Wasiirka difaaca xukuumada KMG uu warkaasi sheegay,haddane ma jirto warar madax banaan oo sheegayo inuu dhintay Abu-Mansuur Al Amriiki,iyadoona sidoo kale aysan jirin cid ka tirsan Alshabaab oo ka hadashay arinkaasi.

Si kastaba hadalkani wasiirka aya sidoo kale imaanaya xilli maalmahii dhawaa uu dagaal xoogan magalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada Dowlada oo garabsanaya kuwa Amisom iyo kooxda Alshabaab,iyadoona la xaqiijiyay in dagaaladaasiay ay qasaare weyn ka soo gaartay Alshabab,waxaana wararka hoose ay sheegayaan in ajaaniibn badan ay dagaaladasi ku dhiunteen ,inkastoo wararkaasi aanan si buuxda loo xaqiijin.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: