read more »">

Calendar

Alshabaab oo sheegatay weerar ay ku dhinteen askar Kenyan ah

SOMALIA MILITIAKooxda Alshabaabee ka dagaallanta Soomaaliya ayaa sheegatay inay ka dambaysay weerarkii shalay ka dhacay xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya kaasoo lagu dilay 4 askrai sida dawlada Kenya ay xaqiijisay.

Balse Alshabaab ayaa tirada askarta ay dishay ku sheegtay 5 askari oo ay ku dishay tuulada Galmagala ee ku taalla xadka wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo maantay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weeraro kala duwan ay sidoo kale ka fuliyeen gudaha Soomaaliya intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadanka.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka fuliyeen Soomaaliya 167 weerar oo isugu jira kuwo toos ah, dilal qorsheysan iyo weliba qaraxyo, kuwaasoo intooda badan ay sheegeen inay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: