Calendar

Alshabaab oo xasuuqay shacab dhiganayay Xaflad Aroos

kooxda Alshabaab ayaa xasuuq ba’an ka geestay goob ay ka socotay Xaflad aroos ah deegaanka lagu Qurcood oo 25 KM u jirta degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Sida wararku sheegayaan 4 ruux ayaa ku dhintay 9 kale waa ay ku dhaawacmeyn kadib markii Goobta xaflada ka socotay ee Kooxda alshabaab rasaas ooda kaga qaadeyn.

Meelashiyadii falkaan arxan darada ah fuliyay ayaa ka digay in shacabkaan la xasuuqay anan loo sameyn wax gurmad ah islamarkaana ku hanjabay cidi u gurmatay in tilaabo ka qaadi doonaan.

Maahi markii ugu horeysay oo kooxdan dhiigyacabiinta ah ay xasuuqaan shacab somaaliyeed waxa ayna had iyo jeer caadeysteen xasuuqa iyo carib tirka Umada Somaaliyeed.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: