Calendar

AMISOM oo tababar ku aadan xuquuqul insaanka uga furtay Kampala saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya

downloadSaraakisha Ciidamada AMISOM ayaa maanta tababar looga hadlayo dhowrista Xuquuqda dadka Shacabka ah waxeey Magaalada Kampla ugu qabateen Saraakil Soomali ah.

Tababarkaan ayaa soacanayo Mudo afar maalin ah ayaa looqabtay Saraakiil ka tirsan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya,waxaana diirada lagu saarayaa arimo la xiriira dhowrista Xuquuqda aadanaha iyo dhowrista heerka caalamiga ee xuquuqul insaanka.

Inta uu socdo tabarkaan waxaana casharada bixinaya quburo ka tirsan ciidamada AMISOM ,kuwaasi oo u aqoon duruqsan u leh  sida loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Waxaana goobta uu ka furmayo tababrkaasi ku sugnaa saraakiil ka tirsan dowlada Uganda,AMISOM iyo Qaramada Midoobay,iyo masuuliyin kale oo k atirsan Beesha caalamka.

Furitaanka Tababrkaasi waxaa k ahadlay Wasiirka Arimaha dibada ahna isku xiraha xiriirka caalamiga ee Dowladda Uganda Asuman Kiyingi,isagoona sheegay in arintaan fursad ay u tahay Shacabka iyo dowlada Soomaaliya .

Col.Cali Caamir oo matalayay Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay Furitaankii Tababrkaasi ayaa sheegay in muhiim ay u tahay Soomaaliya barnaamijkaan waqti haboona lagu soo beegay,isagoo xusay in Fursadaan ay tahay midii labaad oo Soomaaliya ayna tababar kan lamid ah ay horay uga heleen Dowladda Jabuuti.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa ku aamanay ciidamada dowladda Soomaaliya guushii ay ka gaareen ladagaalanka Xarakada Al-shabaab,isagoona ku dhiira giliyay  in ciidmada ay fahmaan oo kaliya kaalinta muhiinka ee ku aadan  lamacaamilka dadka shacabka ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: