Calendar

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka

Saacid-41-300x300Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Gaashaandhigga, Garsoorka, Warfaafinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaa uu warbixin kaga dhageystay Guddiga Madaxbanaan ee Xuquuqul Insaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen C/xakiin Daahir Saciid “Saacid” oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi iyo Xubno kale oo ka tirsan Guddiga Madaxabaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa kulanka intii uu socday waxaa ay Ra’iisul Wasaaraha siiyeen warbixino kala duwan oo ku aadan xogag la xiriira  Tacdiyada kala gadisan ee lagula dhaqaaqo Muwaadiniinta Soomaaliyeed taasoo ay soo uruurinayeen muddo 6-billood ah.

Xubnaha Gudiiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka  ee warbixinta u gudbiniyey Ra’iisul Wasaaraha waxa ay warbixintooda ku sheegeen inay jiraan Tacdiyo kala duwan oo loo geystay Saxafiyiinta iyagoo xusay in Sanadkii tagay 2012 la Dilay 18 Wariye Sanadkan gudihiisana la Dilay ilaa iyo 5 Wariye taasina ay tahay Warbixin lagu kalsoonaan karo hase ahaatee Xogta ay ka sooo aruuriyeen arrimaha Kufsiga inaysan wali u soo cadaanin tirada dhabta ah ee  u sabsan Kufsiga hayeeshee ay heleen Warbixino kala duwan oo iska horimaanayo kuwaasoo dhamaantood sheegaya in Haween farabadan iyo Caruur Kufsi  loo geystay.

Waxaana Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ammaan u soo jeediyay gudiga oo uu ku tilmaamay inay duruuf adag ku soo shaqeeyeen balse ay sidii la rabay u gutay waajibaadkii loo igmaday.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: