Calendar

AUN Shiekh Madeer oo lagu aasay Muqdisho iyo Dilkiisii oon cidina loo soo qaban

BARTAMAHABARTAMAHA – Waxaa Maanta Allaha u naxariistee Xildhibaan Sh Aadan Madeer oo shalay lagu Dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya lagu Aasay Qabuuraha Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Xildhibaan Madeer ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano,waxaana Dhamaan Mas’uuliyiintii ka hadlay ay Dalbadeen in si deg deg ah loo baaro Dadkii ka danbeeyey Dilka Aadan Madeer Gudoomiyihii Gudiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana Sidoo kale ka hadlay goobta  Daahir Aamiin Jeesow oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Amniga Baarlamaanka Soomaaliya,isagoona sheegay in Amaanka Xildhibaanada Soomaaliya la dayacay,Madaxda Dowladdana ay wataan Toban Gaari oo Ciidan ah iyo Bulud Buuf qiimaheedu uu joogo 300$ oo Kun oo Doolar.

Shala ayey aheeyd Markii Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer Koox Hubeysan ay ku dileen Magaalada Muqdisho,gaar ahaan degmada Xamar-weyne. Mana jirto Cid loo soo qabtay Dilka Xildhibaan Aadan Madeer,waxaana uu qeyb ka noqonayaa Dilalka loogeeysanayo Dadka Indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: