Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo Amni darro loo baajiyay

baarlBARTAMAHA/RBC (Muqdisho):-Baarlamanka Dowladda Fedraalka Somalia ayaa joojiyay shaqadiisii kadib markii uu faraha kasii baxay Amaanka magaalada Muqdisho.

Gudoomiye K/xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Dowladda Federaalka Prof. Max’med Cumar Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada iyo Weerarada ka dhanka ah dowlada ay sababeen in la baajiyo kulamada baarlamanka.

Boqolaal katirsan Xildhibaanada Baarlamanka Dowladda Somalia ayaa kusii qul-qulaya magaalooyinka Nairobi iyo Gaalkacyo kadib markii ay soo bexeen Warar sheegaya in Islaamiyiinyu ay Afgembi ladamacsanyihiin dowladda.

Max’med Cumar Dalxa ayaa Waxkama jiraan ku tilmaamay in Xildhibaanadu ay baxsad yihiin balse wuxuu sheegay in ay Siminaaro loogu diray dalka Dibaddiisa.

” Howlihii baarlamanka hadda ma socdaan waxaa iska jira duruufo amni iyo kuwa dhaqaale laakin maalmaha soo socda ayay kulamadu dhacayaan” ayuu yiri Dalxa.

Baarlamanka Somalia ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo markii Hoobiyaal lagu weeraray Fariisinka Baarlamanka oo ah Xeradii Gaadiidka Booliska.

BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: